Turkiga oo ku Dhawaaqay Inuu Gabi Ahaanba Jaray Xiriirkii uu la Lahaa Yuhuuda.

Nov 14, 2024

Dwoladda Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba jaray xiriirkii uu la lahaa maamulka isugu yeera Israel.

Saxiifada Newsweek oo soo xiganeysa warbaahinta rasmiga ah ee Turkiga waxay leedahay, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay jartay xiriirkii mudada fog kala dhexeeyey maamulka yuhuuda.

“Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga ma sii wadi doonto mana horumarin doonto xiriirka ay la leedahay Israel, wixii hada ka dambeeyana waxaan si buuxda u cadeyneynaa inaan jarnay guud ahaan cilaaqaadkii aanan la lahayn” ayaa lagu yiri hadalka laga soo xigtay Erdogan.

Iyadoo wax lagu dhisanayo heerka uu gaarsiisanyahay xiriirka Ankara iyo Talaabiib ayaa lagu waramayaa inaysan macquul alahyn in sidaan fudud ay dhinacyadu ku kala go’i karaan, aratgi kala oo midaas bar bar socota ayaana sheegeysa in Erdogan kaliya uu doonayo in midaan uu isaga leexiyo indhaha muslimiinta caalmka oo si aad ah ugu soo jeeda mudooyinkan dambe xukuumadiisa ridada ah.

FAAFREEB PRO