Sida aan kasoo xiganeyno wargeyska Al-Sharqul Awsat hogaamiyaha maamulka yuhuuda ayaa hada u muuqda mid si aad ah kaga caga jiidaya in maxkamad loosoo taago sababo la xiriira kiisaskii fadeexada ahaa ee mudooyinkan dambe uu dhax maquuranayey xafiiskiisa.
Sida lagu waramayo maxkamadda sare ee sahaayinada ayaa diidday codsi uu Netanyahu ku doonayay in dib loogu dhigo fadhiga Koowaad ee marag-furka ah, isagoona ku andacoonaya arimo badan oo qaarkood lagu tilmaamay meer meerin iyo cudur daaro aanan xaqiiqada ku saleysneyn.
Madaxa maamulkan isugu yeera Israel ayaa maxkamadda hortagaya dabayaaqada December ee soo aadan, markaa oo la soo bandhigi doono caddeymaha iyo marqaati furka eedeymaha musuq maasuq iyo isdaba mareynta loo heysto ninkan.
Hadii Natanyaahu ay ku cadaadaan dhamaan kiisaskan loo heysto ayaana lagu waramyaa inuu wajihi doono waji gabax hor leh iyo inuu galo xabsi qaata sanado fara badan.
FAAFREEB PRO