Dowladda Xabashida Itoobiya oo Sheegtay in kooxda Ridada Aysan Awoodin in Ay Ka Hortagaan Ciidankeeda.

Nov 17, 2024

Dowladda xabashida Itoobiya ayaa weli sii waddo ihaanada ay ku hayso kooxda ridada soomaaliya xilli xabashidu ay ku adkaysanayaan fulinta heshiiskii xaaraanta aha ee ay lagaleen Muuse Biixi.

Ninkan oo lagu magacaabo Biruk Hailu oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada itoobiya ayaa sheegay in kooxda ridada soomaaliya ay kaliya maamusho Gobolka banaadir isagoo xusay in shabaabul mujaahidiin ay awood ballaaran ku leedahay soomaaliya.

Diblumaasigan Itoobiyaanka ah ayaa kooxda ridada ku sifeeyay mid taakdaran oo aan ubabac dhigi karin wajahidda caqabaha buuraha ah ee ku horgudbay isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada iyo kooxdan ay dagaal kala hortago ciidamada xabashida Itoobiya ee ku sugan qeybo katirsan soomaaliya.

Mas’uulkan xabashiga ah oo umuuqday in uu ku maadaysanayay kooxda uu hoggaamiyo xasan Gurguurte ayaa carrabaabay in taageerada reergalbeedka la’aantood aysan kooxda ridada maalina sii jiri karin isagoo banaanka soo dhigay habacsanaanta ay kooxdani dhax muquuranayso.

Tan iyo markii uu khilaafku ka dhax qarxay kooxda ridada iyo nidaamka Abiy Axmed ayay saraakiisha Itoobiyaanku jeedinayeen hadallo ay ku bahdilayaan kooxdan oo dhammaan jawaab celinnadii ay bixisay ay noqdeen waxba kama jiraan sida xiriddii qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa oo cidna aysan dheg jalaq usiin iyo dalabkii ahaa in ciidanka Itoobiya laga reebo howlgalka afrikaanta taasna ay Itoobiya ganafka ku dhufatay.