Axmad Madoobe oo Sheegay in uu Qabsanayo Doorasho Gaaleed Ugaar Ah.

Nov 17, 2024

Iyada oo maalinkii shalay baarlamaanka Kooxda Ridada Soomaaliya uu ansxiyay gudiga waxa loogu yeero doorashoooyinka  qof iyo cod , ayaa waxaa arintaasi kasoo horjeeda maamulka ridada Jubbaland iyadoo Axmad Madoobe uu ku dhawaaqay in uu qabsanayo doorasho ugaar ah uusane aqbali doonin hindisaha uu wado Xasan Gurguurte ee ugu magacdaray Qof iyo Cod.

Gudiga doorashooyinka maamulka isugu yeeray jubbaland ayaa soo saaray jadwal doroasho, taas oo lagu soo doroanayo xildhibaanada dawaaqiida ah ee maamulkaas iyo hogaanka maamula Jubbaland.

Doorasha gaaleedkaasi ayaa la qorsheeyay in ay Kismaayo ka dhacdo inta udhaxaysa 18-ka ilaa 25-ka bishaan Nufeembar.

Bishii lasoo dhaafayayuu hogaamiyaha maamulka isugu yeeray Jubbaland murtad Axmad Madoobe, waxa uu isaga baxay shir magaalada Mogdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada iyo hogaanka Kooxda Ridada, kaas oo lagu qaatay go’aan ah in la qabto waxay ugu yeereen doorasho qof iyo cod .

Dhanka kale murtad Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, madaxii hoe ee Kooxda Ridada ayaa weerar afka ah ku qaaday murtad Gurguurte, isaga kasoo horjeestay gudigiga waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ee uu ansixiyay barlamaanka ridada.

Murtad Shariif Sheekh Axmad iyo Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa iyagana maalinkii shalay waxa ay shegeen in Gurguurte uu Kooxda Ridada ku hogaaminayo wado mugdi ah aysane aqbali doonin qorshayaasha uu wato.