Trump oo Doonaya Inuu Xabsiga Dhigo Saraakiil la Sheegay Iney wax ka Ogyihiin Qorshihii Mareykanka uu uga soo Bexay Afghanistaan.

Nov 18, 2024

Kooxda Trump ayaa durbadiiba bilowday inay aruuriso liisaska saraakiisha sarsare oo hadda xilal muhiim ah.

Sida lagu waramayo kooxda kala guurka ee maamulka Trump ayaa la sheegay inay billaabeen inay aruuriyaan liiska saraakiisha sarsare oo hadda xilal ka haya xukuumada Biden iyo kuwa hore oo la sheegay iney ku lug leeyihiin habkii uu u dhacay ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afgaanistaan.

Xisbiga jamuuhiriinta ayaa doonaya in ragan uu uu saaro maxkamad sare, maadaama ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afghanistaan ay u arkaan inuu ahaa shirqool lagu ceebeystay dowladooda oo muddo 20 sanno aan ku gaarin ujeedooyinkii ay ugu duushay Afghaaniistan.

Ciidanka Marekanka ayaa isaga baxay Afgaanistaan sannadkii 2021, waxaan loo diiwaangeliyay ka hayaamitaankoodii mid ka mid ah guul-darrooyinkii iyo ceebtii ugu weynayd ee ay wajahday dowladan sheegata iney tahay tan ugu quada weyn caalamka.

FAAFREEB PRO