Urur Goboleedka IGAD oo soo Jeediyey in Askar Ashaamud ah la Geeyo Gudaha Suudaan.

Nov 18, 2024

Sida uu nashriyey joornaalka Sudan Tribune urur-goboleedka IGAD ayaa soo jeediyay in ciidamo Afrikaan ah oo ka socda dalalka kala duwan la geeyo gudaha wadanka Suudaan, ujeedaduna ay tahay si ay u dhax-dhaxaadiyaan waxa halkaas ka socda ee colaad ah.

Xogta joornaalka ayaa intaasi ku dareysa in arinkan loo gudbiyey hay’ado sare oo caalami ah misana lagu sheego iney daneeyaan arimaha gobolka, iyagoona ugu dambeyn fikradan ku raacay urur goboleedka IGAD.

Ilaa 4,500 oo askari oo ka kala socota wadamo kala duwan oo dhaca qaarada ayaa lagu waramayaa in muddoyinka soo aadan la geyn doono gudaha wadanka Suudan ee ay ku loolamayaan labada Jenaral tan iyo bishii April ee sanadkii hore 2023.

Majiraan ilaa hada falanqeyno barbar socda hadalkan kasoo yeeray IGAD, siyaasaduna weli dhinac wey u ridi la’adahay halka uu kusoo biya shuban doono qodbkan, ma najaxitaan mise fashil hor leh.

FAAFREEB PRO