Dimishiq oo uu gaaray masuulkii Labaad oo ka socda dhanka Iran muddo kooban gudeheeda
Sida uu daabacay joornaalka Syrian Times hogaamiyaha dhiigya cabka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wasiirka difaaca Iran ninka lagu magacaabo Aziz Nasirzadeh, iyagoona kawada hadlay arimo dhowr ah.
Waxyaabah ay kawada hadleen waxaa ugu muhiimsan oo laga soo qaadan karaa waa amniga gobolka iyo weerarrada soo noq noqday ee uu maamulka yuhuuda ka geysanayso gudaha Suuriya.
Sida lagu waramayo waa sarkaalkii labaad ee sare oo ka socda dhanka Tehran oo tan iyo dabayaaqadii toddobaadkii hore uu qaabbilayo madaxweynaha Suuriya, kaddib markii 3 maalmood ka hor uu halkaas tagay la-taliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha Iran Cali Larijani.
FAAFREEB PRO