Xubnaha mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayaa shaaciyay inay sameeyeen guddi doorasho oo dhinac socda midka uu ku dhawaaqay murtad Axmed Madoobe.
Gole ay ku midaysanyihiin musharixiinta u taagan xilkaasi kana soo hor jeeda siyaasadda murtad Axmed Madoobe, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo ku iclaamiyay guddi doorasho oo ka dhan ah midka uu magacaabay madaxa maamulkaasi.
Xubnahan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in samaynta guddiga uu ku yimid kaddib markii ay arkeen in Axmed Madoobe samaystay guddi isaga u gaar ah oo markale ku caana shuba, si uusan tartan u dhicin, doorashadiina ay noqotay mid uu isagu leexsaday.
Qaar ka mid ah xubnahaasi oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inay shirkaasi ku magacaabeen guddi iyaga ka socda oo ka kooban 7 xubnood, kuwaas oo ay sheegeen inay qaban doonaan doorasho ka dhan ah tan uu Axmed Madoobe isku dooranayo.
Guddiga ay samaysteen xubnaha u taagan xilka madaxtinimo ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayaa kusoo beegmaya xilli Axmed Madoobe uu guddigiisii soo dooran lahaa uu shaqo billaabay, mucaaradad xooggan oo gudaha iyo kooxda Riddada ahna ay ku furan-yihiin.