Ruushka oo Fashiliyay Qorshe Ciidamo Shisheeye Lagu Geyn Lahaa Suudaan.

Nov 19, 2024

Ruushka oo codka veto ku diiday qaraar golaha amaaanka kasoo bixi lahaa oo lagu dalbanayay xabad joojin ka dhacda sudan . Isago ku eedeeyay golaha amaank laba wajiilo nimo madama ay hore u diiden xabad joojin ka dhacda Gaza.

Russia ayaa codkiisa vetada ah ku diiday qaraar kasoo bixi lahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Suudaan. Qaraarkan, oo ay soo diyaariyeen Dowladaha ingiriiska iyo Siyera liyoon, waxaa taageeray dhammaan 14-ka xubnood ee kale ee golaha amaanka.

Qaraarku wuxuu ku booriyay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan inay “si degdeg ah u joojiyaan dagaalka una bilaaban wada xajood waxaase qaraarkan joojiyay vetaha ay ku diiday dowlada Rushka.

Ruushka oo codkiisa diidmada ah difaacay, ayaa wakiil ku xigeenkiisa Qaramada Midoobay ninka lagu magacaabo Dmitry Polyanskiy wuxuu sheegay in ay rayiga golaha amaanka eeku saabsan sudan ay raacsan yihiin lakeen ay u sameeyen diidmadan si ay aduunka u tusaan munaafaqnimada Golaha amaanka taas oo hore u diiday in dagaalka Gaza la joojiyo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan, ayaa taageertay mowqifka Ruushka, taasoo ku tilmaantay “muujin ixtiraam u leh madaxbannaanida dalalka iyo sharciga caalamiga ah.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain ninka lagu magacaabo David Lammy ayaa codka diidmada ah ee ruushka ku tilmaamay “fadeexad” isagoo Ruushka ku eedeeyay inuu yahay “cadowga nabadda.”

Diidmada qaraarkan uu ruushku diiday ayaa imaanaysa iyadoo sanadkan gudihiis dhowr mar ay dowladaha awooda leh ee reer galbeedka gaar ahan maraykanka iyo ingiriiska ay diideen in xabad joojin looga dhawaaqo dagaalka lagu xasuuqayo dadka reer falastiin ee ka socda Gaza.