Iran “Xiriirka aan la Leenahay Shiinaha ma Saameyn Doono soo Laabashada Trump”.

Nov 19, 2024

Iran ayaa sheegtay in marnaba uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin soo laabashada Trump xiriirka ay hada la leeyihiin Shiinaha.

Warbixin uu daabacay wargeyska masriga ah ee Al-Shuruuq ayaa ciwaan looga dhigay “xiriirka aan la leenahay Shiinaha ma saameyn doono soo laabashada Trump”, taasoo ay Tehran u muuqato iney uga jawaabeyso xogihii soo baxayey tan iyo dib u doorashadii Trump ee ahaa in cilaaqaadka Shiinaha iyo Iran uu ku imaandoono caqabad weyn afarta sano ee soo aadan.

Cali Akbar oo ah lataliyaha hogaamiyaha sare ee Iran ayaa si cad wakaalada wararka u faafisa Iran ugu sheegay in marnaba aysan ka baqeyn saameyn ku timaada xiriirka ay la leeyihiin Beijing hadii xafiiska aqalka cad uu kusoo laabto ninka kusoo baxay doorashada Mareykanka ee Trump.

Dalal badan oo ay Iran ugu horeyso ayaa la saadaalinayaa inuu hoos u dhac balaaran ku imaandoono xiriirka ganacsi iyo midka siyaasi ee ay la leeyihiin xukuumada uu majaraha u hayo Xi Jinping.

FAAFREEB PRO