Natanyaahu ayaa sheegay in weerarkii bishii lasoo dhaafay ee October ay ku qaadeen gudaha Iran ay ku beegsadeen gudaha xarumaha Nukliyeerka ee Tehran, waa qodobka inoo xiga ee aan ku isdultaaga ugu sameyn doono xubinta maanta.
Sida uu nashriyey wargeyska The Jerusalem Post, Binyamiin Natanyaahu ayaa saacadihii lasoo dhaafay baaramaankiisa ka hor sheegay inta uu socday weerarkii bishii Oktoobar ay ku qaadeen gudaha Iran ay burburiyeen qeybo ka mid ah wax soosaarka nukliyeerka ee Tehran.
Ka hor inta Natanyaahu uusan sameyn qiraalkan cad waxaa jiray warar ku baahay baraha kala duwan ee Internet-ka oo iyaga sheegay isla xogtan uu hada daaha ka rogay hogaamiyaha sahaayinada.
Gabagabadii ma jiro tan iyo markii u weerarka dhacay wax xaqiijin ah oo ka yimid dhinaca Iran, si cad ayeyna horayba u diiday xogaha sheegaya in la beegsaday xarumeheeda muhiimka ah ee Nukliyeerka.