Waxaa lagu waramayaa in Suudan uu markii ugu horeysay gaaray sarkaal sare oo ameerikaan ah tan iyo April 2023 oo ay qarxeen colaadaha hada halakeeyey wadankan, waxaana qodobkan wax ka qoray saxiifada Ingiriiska ah ee Al-Sharqul Awsat.
Sida joornaalku uu ku waramayo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suudaan Tom Perriello ayaa saacadihii koobnaa ee lasoo dhaafay gaaray gudaha Sudan, isagoona kulamo la qaatay General Abdel Fattah Al-Burhan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga xusi karo ee ay dhiancyadu kawada hadleen waxaa kamid ah, sidii loosoo afmeeri lahaa dagaalka jiitamaya mudada fog iyo sidii wadada loogu baneen lahaa kaalmooyinka ku socda dadka rayida ah, marka si guud loo indha indheeyo sida warbaahinadu ay u hadal hayaan kulankana, waxa uu u muuqdaa kuwii horey la isgu dayey ee iyagana la doonayey in lagu xaqiijiyo isla ahdaaftan, balse halkooda looga dhaqaaqay markii ay shirarku idlaadeen.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee sarkaal sare oo Mareykan ah uu ku tago dalka Suudaan tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada militariga iyo xoogaga RSF.
FAAFREEB PRO