Ruushka oo Balaayiin Dollar ku Leh Suuriya.

Dec 11, 2024

Ruushka ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska wadamada deymaha faraha badan ku leh Suuriya.

Siduu uu daabacay joornaalka Bloomberg xukuumada Msocow ayaa noqotay mida ugu badan ee lacag deyn ah amaahisay nidaamkii dagalka laga tuuray ee uu majaraha u hayey Bashaar Al-Asad, Percentage deynta Ruushka uu ku leeyahay Suuriya ayaana lagu sheegay inuu gaarayo ilaa boqolkiiba 15%.

Joornaalka ayaana sheegay in xogtan ay tahay mid soo baxday dabayaaqada sanadkii tagay 2023, taasoo ka dhigay in hadii hada markale loo guurgalo deynta Moscwo ay ku leedahay Dimishiq ay ka badaneyso xadigga ay maanta tahay oo ah 4.9 bilyan oo dollar-ka Mareykanka h.

Japan ayaa kaalinta Labaad ku jirta oo boqolkiiba 10% uu yahay deynta ay ku leedahay Suuriya, waxaana kaalinta Sadaxaad ku jira dalka Jarmalka oo isagana 9% uu yahay Percentage deynta ka jirta dhanka Dimishiq, waana wadanka kaliya ee dhaca qaarada Yurub oo deyn intan la eg ku leh wadanka dhawaan laga riday nidaamkii rajiimka ahaa ee Suuriya.

FAAFREEB PRO