Iran oo Mareykanka iyo Yuhuuda ku Eedeysay Riditaanka Nidaamkii Bashaar Al-Asad.

Dec 11, 2024

Mareykanka iyo yuhuuda ayaa lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen qorshaha riditaanka xukunkii qoyska Al-Asad ee Suuriya.

Sida uu nashriyey joornaalka The Jerusalem Post hogaamiyaha Iran Ali Khamenei ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in wixii ka dhacay Suuriya oo ah in la afgambiyay xukunka Bashaar Al-Asad ay tahay qorshe ay si wadajir ah u qaateen Maraykanka iyo Israa’iil taasina aysan saarneyn wax daah ah.

“Wax shaki ah kuma jiro in waxa Suuriya ka dhacay ay yihiin natiijada qorshe si wadajir ah ay u dajiyeen Maraykan ah iyo Israel” waxaa sidaas yiri hogaamiyaha Iran Ayatullah Ali Khamenei.

Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah u soo dhaweysay dhicitaanka Al-Asad, iyadoona biden iyo Trump ay si degdegsiimo ku laran ay hawada usoo mariyeen bogaadino ay u jeedinayaan kooxaha mucaaradka iyo shacabka Suuriya, halka dhanka kale ay dhaleeceeyeen nimaadkii uu la riday ee Bashaar Al-Asad.

FAAFREEB PRO