Inka Badan 174 Qof Oo Lagu Dilay Rabshado Ka Socda Bangladesh.

Jul 23, 2024

Kacdoonka ballaaran ee ka socda dalka Bangladesh ee dhaca koonfurta qaaradda Aasiya ayaa sii xoogeysanaya, halkaas oo lagu dilay sidoo kalena lagu dhaawacay boqollaal qof, halka xabsiga la dhigay dhowr kun oo kale.

Tirada dadka lagu xiray dibadbaxyada ay wadaan ardayda ayaa gaaraya inka badan ​​2,500 oo qof, arinta ugu badan ee ay ardaydu ka cabanayaan ayaa ah dowladda oo ay ku eedeeyeen inay si xun u maareysay qoondada shaqo ee ardayda.

Ardayda oo is abaabulay ayaa isugu soo baxay waddooyinka waawayn, waxayna dibadbaxyadu noqdeen kuwa rabshado wata, inka badan 174 qof oo lagu dilay isku soo baxyada waxaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil booliis ah, sida lagu sheegay tirakoob ay sameeyeen waaxaha amniga iyo kuwa caafimadka.

Bannaanbaxyada ayaa soo billowday usbuucii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan qoondada shaqo ee dowladdaaasi, xaalad qoob-gariir ah ayaa hadda ka taagan caasimadda dalkaasi ee Dhaka, hayadaha sheegta inay u doodaan xuquuqda bani’aadamka ayaa ciidamada ku eedeeyay dilka inka badan 170 qof oo u badan in ay rayid yihiin.

Dowladaha saliibiyiinta ah ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalkaas u sheegay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, safaaradda Maraykanka ee caasimada Dhaka ayaa warbixin ay soo saartay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalkaas, kuwa ku sugan goobaha ay rabshaduhu ka socdaan ayay ugu baaqday inaysan dibadda u bixin oo ay taxaddar muujiyaan