Waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsoomay shirkii garwadeenka uu ka ahaa Turkiga ee u dhexeeyey murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abey Axmed, kaas oo la doonayey in lagu xaliyo khilaafka u dhxeeya dhinacyada ee ka dhashay heshiiskii Abey uu la galay murtad Muuse Biixi Cabdi.
Xukuumada Ankara ayaa markan sheegatay dajinta xiisada ka dhax oloolsan Mudisho iyo Addis Ababa, Abey Axmed iyo Xasan Gurguurtana ay gaareen heshiis hor leh oo xalin doona waxa xurguf ah ee dhaxtaala.
Shirkan soo gabagaboobay saacadihii lasoo dhaafay ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah waxaana kamid ah :
• In la billaabo wadahadallo si loo helo marin badeed waara oo ammaan ah oo ay Itoobiya ku gaarayso xeebaha Soomaaliya.
• In wada xaajoodyadaas la bilaabo ugu dambayn Febraayo ee sanadka soo aadan 2025 iyadoo midaas uu ay fudedeyneyso dowladda ridada ah ee Turkiga.
• In 4 bilood gudahood lagu soo afmeero wada-hadallada si loo gaaro heshiis rasmi ah oo u oggolaanaya Itoobiya inay gaarto xeebaha Soomaaliya.
• Habka heshiiska u suragelinaya Itoobiya inay gaarto xeebaha Soomaaliya si ay u hesho deked ay adeegsato, wuxuu u dhacaya; habab ganacsi oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan khandaraas, kiro, iyo habab la mid ah oo ay Itoobiya u adeegsan doonto dekedda ay ka doonayso badda Soomaaliya .
Xukuumada Ankara ayaa markan u muuqata mid gaartay yoolkeedii ahaa in badda Soomaaliya ay u gacan galiso dowladda xabshida Itoobiya waliba iyadoo soo xiraneysa shaar dhax-dhaxaadineed, murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayana hadda lagu qanciyey in qaab xeeladeysan Itoobiya lagu siiyo badda ummdan Soomaaliyeed.
Tv-ga rasmiga ah ee Turkiga oo si Live ah u tabinayey kulankan ayaa laga arkayey murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abey Axmed oo is gacan qaaday, taasoo lagu fasiray in Gurguurte si buuxda loogu qanciyey in qaab xeeladeysan ay xukuumadiisa Itoobiya ugu wareyjiso Badda Soomaaliya qeyb kamid ah.