Wariye Ameerikaan ah oo Laweysanaa 12 Sano oo Suuriya Laga Helay.

Dec 12, 2024

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan in la helay qofka la rumeysan yahay inuu yahay saxafi Mareykan ah oo lagu magacaabo Austin Tice kaasoo lagu weysanaa gudaha Suuriya in ka badan 12 sano iyadoo warbaahinta Suuriya ay maanta xaqiijisay warkan halka warbaahinta kale ee galbeedkana ay beenisay.

Kooxaha mucaaradka ayaa baahiyay muuqaal muujinaya muwaadin Suuriyaan ah oo helaya nin Mareykan ah oo ku suganaa deegaanka Al-Dhiabiyah ee baadiyaha Dimishiq, kaasoo loo badinayo inuu yahay wariye Austin Tice.

Wariyahan ayaa mar qura la waayey xilli uu u waramayey mid kamid ah warbaahinta galbeedka kuna sugnaa gudaha Dimishiq sanadkii 2012 gaar ahaa bishii August.

Isla sanadkaas mar ayuu kasoo muuqday muuqaal isagoo indhaha ka xiran hareerihiisana ay taaganyihiin rag hubeysan.

Waxaa markale soo baxay warar sheegaya in lagu xiray mid kamid ah xabsiyada nidaamkii la riday ee Bashaar Al-Asad.

Dowladda Mareykanka ayaana Bashaar Al-Asad ku eedeysay in isagu uu ka dambeeyo afduubka wariyaha Ameerikaanka ah.

Tan iyo markaas wax war ah lagama helin Austin Tice ilaa saacadihii lasoo dhaafay laga baahiyey muuqaaladan hada sheegaya in ninkan laga helay baadiyaha Dimishiq uu yahay wariyihii Ameerikaanka ahaa ee la waayey sanadii 2012.

Waxaa dhanka kale soo baxaya warar sheegaya in ninka laga helay deegaanka Al-Dhiabiyah ee baadiyaha Dimishiq uusan ahayn wariyaha Ameerikaanka ah ee la weysanaa tan iyo 2012, ee uu yahay nin magaciisa lagu sheegay Travis Timmerman kasoo jeeda gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

FAAFREEB PRO