Ruushka ayaa saldhigiisii Suuriya ka raranaya qalabkiisii ugu badnaa, kalana baxay boqolaal ciidamo ah.
Sida Wargeyska Washington Post uu daabacay isagoo soo xiganaya sawirro uu qaaday dayax-gacameed, askarta xukuumada Moscow ayaa saldhigoodii Suuriya ka raranaya qalabka militari oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca hawada ee S-400 iyo agab kale oo muhiim ah.
Sawirrda dayax gacameedka ayaa sidoo kale muujinayey ilaa 2 diyaaradood oo nuuca xamuulka ah oo dhax taagan saldhiga Ruushka ee Xumeymiin, waxayna u muuqdeen kuwa lagu qaadayo qalab militari oo fara badan.
Wargeyska ka soo baxa Jarmalka ee Der Spiegel oo xiganaya xogta wasaaradda difaaca Jarmalka , ayaa dhankiisa ku warramay inuu Ruushka uu ciidankiisa kala baxay dekedda Dhardhuus ee dalka Suuriya.
Mosocw ayaa ugu dambeyn dan u aragtay ka qalab qaadashada Suuriya kadib dhicitaankii nidaamkii dhiigya cabka ahaa ee Bashaar Al-Asad, walow dhanka kale sida ay Bloomberg ay sheegtay ay dadaal walba ku bixineyso sidii cilaaqaad wanaagsan ay ula yeelan lahayd maamulka dowladda cusub ee lasoo dhisi doono.
FAAFREEB PRO