Madaxweynaha Kuuriya Koonfureed ayaa wajahaya codeyntii Labaad oo ay shacabku ku dalbanayaan in xilka looga xayuubiyo ninkan.
The joornaalo badan oo uu kujiro The Stander ay kasoo xiganayaan wakaalada wararka Reuters madaxa xukuumada Seol ayaa la kulmaya cadaadiso xoogan oo kaga imaanaya dhanka shacabka, kadib markii uu dabayaaqada bishoo hore ee November u uku dhawaaqay in dalka uu galayo xaalada dagaal walow markii dambe uu ka laabta talaabadaas.
Wixii markaas ka dambeeyey shacabka Kuuriyada Koonfureed ayaa dhigaya dibadbaxyo balaaran oo ay ku dalbanayaan in xilka uu ka dago Yoon Suk Yeol, maadaama uu yahay qof xaaladiisu ay is bad badasho xilli walbina dhibaata u horseedi kara shacabka waa sida ay igau leeyihiinee.
Waxaa dhanka kale jira arimo dhowr ah oo ay shacabku kaga soo horjeedaan masuulkan, kuwaas iyo talaabadaan uu hada damaaciyey ee ah in dalka uu kusoo rogo xaalad dagaal oo is biirsaday ayaana hada sabab u ah bey warbxiinadu leeyihiin in shacabku ay markale dalbadaan xill ka qaadista Yeol waliba waqtigan xasaasiga ah misana Kuuriya Woqooy ay hardanka kula jirto Kuuriyada Koonfureed.
FAAFREEB PRO