Turkiga oo Sheegay Hadafkiisa ugu Weyn ee Suuriya iyo Nidaamka Cusub.

Dec 14, 2024

Turkiga ayaa markale af cad ku sheegay in arinka kaliya ee ay u doonayaan iney u balaariyaan galaan-galkooda Suuriya uu yahay cirib tirka kooxaha Kurdiyiinta ee uu Mareykanku taageero.

Sida aan kasoo xiganay joornaalka maalin laha ah ee Al-Sharqul Awsat wasiirka arrimaha dibadda ee Ankara Hakan Fidan ayaa shalay oo Jimce ahayd sheegay in ciribtirka maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya
uu yahay hadafkooda ugu weyn ee istaraatiijiyadeed misana ay doonayaan iney ka fuliyaan gudaha Suuriya mudooyinka soo aadan.

Fidan ayaa sidoo kale kooxaha mucaaradka Suuriya ee riday nidaamkii Bashaar Al-Asad ugu baaqay ineysan wax aqoonsi ah siin kooxahan, oo uu Turkigu u arko kuwa argigixiso oo amnigooda halis weyn ku ah.

Mucaaradka la wareegay xukunka Suuriya wax jawaab ah kama bixin hadalka baaqa ah ee ka yimid dhanka Turkiga, Mareykanka wali war ah kama soo saarin dabaca Ankara ee ah burburinta kooxaha Kurdiyiinta Suuriya.

FAAFREEB PRO