Yuhuuda oo Looga Digay Iney Iran Sameysaneyso Hubka Nukliyeerka.

Dec 23, 2024

Mareykanka ayaa Yuhuuda uga digay in Iran ay buriso heshiis walba kadibna ay dhawaanahan sameysato hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka.

Sida uu saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay lataliyaha amniga Mareykanka Jake Sullivan, waxaa macquul ah mudooyinka soo aadan in Iran ay ka baxdo ballanqaadkeedii la xiriiray inaysan sameyn doonin hubka nukliyeerka, taasoo marka ugu horeysa halis galin doonta maamulka iskugu yeera Israel.

“Maamulka Biden wuxuu ka walaacsan yahay in Iran ay awood u yeelato inay sameysato hub nukliyeer ah” ayuu Sullivan, isagoona muujiyey sida ay uga warwarayaan mustabalka maamulka yuhuuda hadii mar ay Tehran ku dhaqaaqdo midaas.

Joornaalka The Telegraph oo ah midka warbixintan daabacay ayaa sheegay in Iran dhankeeda ay suuragal ka tahay midaan uu ka baqanayo Mareykanka, walow taa ay barbar socdaan talaabooyinka la filayo in Donald Trump uu qaado hadii mar xafiiska uu yimaado, kuwaas oo ah inuu duqeymo dhulka ku dhigo xarumaha Nukliyeerka ee xukuumada Tehran.

FAAFREEB PRO