Waxaa lagu waramayaa in koror uu ku yimid dalxiisayaasha sida sanadlaha ah u booqanaya wadanka Afghanistaan oo muddo 20 sano ah uu ka socda dagaal xoogan.
Sida uu daabacay wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa dalka Faransiiska waxaa sii ziyaadeysa marba marka ka dambeysa tirade ajaanibta booqaneysa gudaha dalka Afhaanistaan kadib markii halkaas laga riday nidaamkii dhaaqiga ahaa, har cadna ay wadanka isaga carartay xukuumadii Ashraf Qaani.
Joornaalku waxa uu sheegayaa in tani ay noqotay ila dhaqaale oo muhiim ah, dhanka kalana caalamka ay tustay in waxba kama jiraan ay tahay borobogaandadii ay reer galbeedku inta badan ku baahinayeen warbaahinta, taasoo ahayd in aanan marnaba la booqan karin gudaha Afghaanistaan qoftii mar tagaana ay adagtahay sida uu uga soo laabto.
Waxaa digniiniyihii beentaa ahaa inta badan dhagta u dhigi waayey dadyow badan oo ku nool daafaha caalamka, kuwaas oo u hilow qabay iney mar un soo arkaan bilicda caasimada Kaabul iyo buuraha Afghanistaan, waxayna markii ay tageen arkeen wax ka duwan wixii warbaahinta galbeedku ay waday ee cabsi gelein ahaa, iyagoona soo bandhigay xaqiiqda Afghaanistaan taasoo sababtay in qulqulka dalxiisayaasha ay ku ziyaadaan wadankan.
Amniga iyo quurxda dhulka, waa Labada sifo ee ay marwalba xusaan shaqsiyaadka socdaalka ku tagay dalkan, tasoo ay gabagabadii saxiifado ay ku tilmaameyso iney yihiin kuwa inta badan soo jiitay indhaha bulshada kala duwan ee kasoo safraya daafaha caalamka.
FAAFREEB PRO