Cilaaqaadka Giriika iyo Yuhuuda ayaa sii xoogeysanaya mudooyinkaan dambe si sahaayinada ay uga aargoostaan Turkiga.
Sida uu daabacay joornaalka Macaariif waxaa saacadihii lasoo dhaafay dalka Giriirga booqasho gaaban ku tagay wasiirka tamarta yuhuuda, halkaas oo uu dhiggiisa Giriigga kala saxeexan doono heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga dhanka Tamarta guud gaar ahaan gaaska dabiiciga ah.
Marka laga yimaado booqashadan, waxaa dhanka kale halkeeda kasii socota xurgufgta u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, maamulka yuhuuda oo midaas ka faa’ideysanaya doonayana in Guriiga uu u adeegsado usha kaliya ee uu kaga aar gudan karo Turkiga ayaa sii xoojinaya waayahan dambe cilaaqaadkiisa dalkan.
Waxaa xusid mudan in maamulka isugu yeera Israel iyo Gariirga ay iska kaashadeen nidaamka difaaca hawada ee daboolaya guud ahaan dhulka Giriirga, si looga hortago diyaaradaha aan duuluyaha lahayn ee Turkiga, waxaana mashruucan ku baxay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 2 Bilyan oo Yuuro, taasoo muujineysa sida sahaayinada ay uga go’antahay in gobolka ay loolan xoogan kula gasho xukuumada Ankara.
FAAFREEB PRO