Dalalka Maali, Burkina Faso iyo Niger ayaa heegan dagaal galay kadib markii ay shaaciyeen iney ka bexeen ururka dhaqaalaha galbeedka Afrika ee ECOWAS.
Sida ay ku warantay mid kamid ah joornaalada sida maalin laha ah ee uga soo baxa dalka Ingiriiska, wadamadan ay militarigu hogaamiyaan ayaa ka baqanayaa duulaano kala duwan oo uga yimaada dhanka dalalka wali qeybta ka ah ECOWAS, maadaama Maali, Niger iyo Burkina Faso ay diideen iney dib ugu soo laabtaan ururka oo ay udub dhaxaad u ahaayeen, iyagoona dhag u dhigi waayey baaqyadii soo laabasho ee ay madaxda ECOWAS u dirayeen wadamadan Sadaxda ah.
Dalalkan oo ka xuubsiibtay hiiryada gumeysi ee reer galbeedka balse ku badashay mida Ruushka iyo xulafadiisa ayaa horay u shaaciyey iney dhisteen isbeheysi cusub oo ay uga maarmi doonaan dhamaan kuwa reer yurub ee gobolka ka jira, lamana oga hada talaabata xigta ee ay ECOWAS qaadi doonto ma xoog mise xeylad ayey kusoo celin doontaa wadaman.
FAAFREEB PRO