Eritrea oo Sheegtay in Ay Xiriirka Ujarayso Kooxda Ridada.

Dec 25, 2024

Kadib heshiiskii Ankara ee markale lagu saxiixay qaadashada Badda Soomaaliya, walaac xoogan ayaa soo wajahay dowladaha ku dhirirsan ee Badda-Cas islamarkaana xabashida ay kala dhaxayso colaad soo jireen ah.

Cabdulqaadir idris oo ah la taliye katirsan wasaarada arimaha dibada dowlada Eratariya ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan heshiiskaasi uuna mugdi badan ku jiro.

Wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii Asmara ku dhaxmaray Gurguurte, Al-siisi iyo Afuwrki waxa uuna yiri : “ma jirin heshiis gaat ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu masuulkaan Eratariyaank ah waxa uu sheegay in ay ka fiirsanayaan xiriirka udhaxeya iyaga Kooxda Ridada hadii ay cadaato in xukumada Gurguurte ay Itoobiya siisay marin badeed, arintaas oo ka dhigan in ay xiriirka ujarayaan.

Kooxda Ridada iyo Eratariya ayaa sanadadii danbe waxa ay samaysteen xiriir xoogan, Asmara ayaana tababartay kumanaan maleeshiyaat murtadiin ah oo la carbiyay ladagaalanka islaamka iyo muslimiinta.

Iyada oo ka faa’idaysanaysa colaada kala dhaxaysa Itoobiya ayeey Eratariya waxa ay doonaysay in ay soo dhaweesato Kooxda Ridada, balse Gurgurte ayaa umuuqda in uu dhabarka ujeediyay xulafadii shalay kadib markii uu la heshiiyay Itoobiyadii uu sheegayay in ay tahay cadow, balse uu maanta ku wareejiyay dhaxalkii dhuleed ee ay lahaayen shacabka Soomaaliyeed.