Duufaan Xoogan oo ku Dhufatay Dalka Mozambique.

Dec 25, 2024

Duufaan ku dhufatay dalka Mozambique ee dhaca koonfur-bari qaaradan Afrika iyo saameyntii ka dhalatay oo sii xoogeysaneysa marba marka ka dambeysa.

Sida uu nashrisay saxiifada Yenisafak waxaa wadankan ku dhuftay duufaanta Chido taasoo galaafatay nolosha tobaneeyo ruux barakicisayna tiro kale oo dad ah, waana sida ay ku warameen madaxda maareynta musiibooyinka ee wadankaas.

Dhimashada ayaa gaartay ilaa 120 ruux halka tirada dhaawacana ay hada mareyso 868 oo qof, waxaana intaasi sii dheer oo uu joornaalka yenisafak sheegayaa in ay barakeceen dadyow gaaraya ilaa 687,000 oo ruux waana tira koobkii ugu dambeeyey.

Waxaana gaba-gabadii lagu waramayaa in duufaantan ay ku socotay xawaaro sare iyadoona hal waqti isku martay dalalka Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe, walow aanan si buuxda wali loo cadeyn xadiga khasaare ee ay ka geysatay wadamadan kale.

FAAFREEB PRO