Saddex qof ayaa ku dhintay shilkan, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen ,shilkani ayaa yimid kadib markii uu gaddoomay baabuur noociisu ahaa NOAH oo ay la socdeen dad isku qoys ah.
Dhibaatada naf iyo maal-ba leh ee ay geystaan shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan maamulka gobollada waqooyi ee Somaliland.
Tirakoobka shilalka gaadiidka ee sannadkii u dambeeyey ayaa noqday 7,018 shil, sida uu xaqiijiyey Ibraahim Cabdi Xaaji oo ah hogaanka booliska maamulka ridada Somaliland.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale shaaciyey in shilalkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 188 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 4,454 qof.
Daroogada qaadka, dariiq-xumo iyo dirawal-xumo ayaa ugu waaweyn asbaabaha loo aaneeyo inay keenaan shilalka faraha badan ee gaadiidka Somaliland.