Xiisad u dhxeysa Afghanistan iyo Pakistan ayaa sii karaar qaadaneysa iyo imaarakada oo xadka ku daabushay boqolaal ciidamo ah.
Sida ay inta badan jaraaidyada caalamka daabacayaan tan iyo 25 bishii December ee sanakii tagay 2024 waxaa sii xoogeysanaya xiisado colaadeed oo u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan, kuwaas oo kasoo askumay daan daansi ay sameysay xukuumada ridada ah ee Islama Bad.
Pakistan ayaa duqeysay deegaano dhowr ah oo ay daganyihiin askarta Taliban Pakistan oo ku yaala gudaha Afghanistaan, midaas oo ay ka carootay xukuumada islaamiga ah ee Taalibaan maadaama Pakistan ay duqeyn ka fulisay dal dowlad leh waliba bilaa idin.
Wixii intaas ka dambeeyey Imaarada ayaa qaaday weeraro aargudasho ah waxayna gudaha Pakistan ka fuliyeen dhowr weerar oo dhagta dhiiga loogu daray askar ka tirsan xukuumada Islama Bad, waxaana dhanka kale la arkayey ciidamada Imaarada oo lagu sii daabulayo dhanka xadka halkaas oo ay ka gali doonaan dagaal xoogan.
Dhanka kale ciidanka Taliban Pakistan ayaa sheegay inay la wareegtay saldhig ciidan oo ay leedahay dowladda Pakistan kaasoo ku yaala Khyber-Pakhtunkhwa, iyagoo intaa ku daray inay halkaas ku dileen ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidanka Pakistan.
Sidoo kale mujaahidiinta Taliban Pakistaan ayaa halkaas ka qaniimeystay qoryaha fudud ee uu Mareykanku soo saaro iyo agabyo kale, waxayna baqdin soo food saartay askarta Islama Bad ee daan daansiga markii hore ka sameeyey gudaha Afghaanistaan.
Dhiancyada ayaa ilaa hadda is hor fadhiya xiisadana waxaa suuragala ah bey falanqeeyaashu leeyihiin iney ka balaarato intii hore, dhinacyaduna ay isku adeegsadaan hub ka balaaran midka ay hada is weydaarsanayaan, waxaaasa soo gudbin doonaa wixii soo kordha Inshaa Allah.
FAAFREEB PRO