“Waa maxay sababta ay dhicitaanka Bashaar al-Assad uga walaacsanyihiin xulafada Ruushka ee Afrika” waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay joornaalka Le Figaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska.
Waxay jariiradu sheegeysaa in tan iyo dhicyaanka nidaamkii dhiigya cabaka ahee Bashaar Al-Asad ay cabsi badani soo food saartay dalal badan oo Afrika dhaca misana hada uu wujuud ku leeyahya Ruushka, xukuumadahan Afrikaanta ah ayaana ka baqanaya in Moscow ay garabkooda ka baxdo maalin un waliba si la mid ah wixii ku dhacay Basha Al-Asad-na ay ku dhici doonto.
Dhanka kale wadamada Afrika ee xaliifka dhaw la ah Ruushka ayaa ka baqanaya saameyn ku timaada howgallada Ruushka ee Afrika si gaar ahaaneed kuwa hawada, maadaama Ruushka la filayo inuu rarto saldhigyadiisa gudaha Suuriya, hadii taa ay dhacdana aysan xukuumada Moscow awoodi doonin iney sameyso duulimaadyo toos ah oo isku xiri doona Suuriya ilaa Waqooyiga Afrika, gobolka Saaxil, iyo Afrikada Dhexe, taasina ay caqabad ku noqoneyso cilaaqaadka Ruushka iyo wadamada Afrika waa sida hadalka loo dhigee.
Jariirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa dhanka kale tibaaxday in hadii Ruushka uu lumiyo saldhigiisa Dhardhuus ee Suuriya ay caqabad dhanka saadka ah soo wajihi doonto ciidamada calashood u shaqeysayaasha ah Fagner iyo kuwa kale Afrika u jooga, taasoo sida lagu waramayo wiiqi doonto awooda militari ee Moscow ay ku leedahay gobolka.
Gabagabadii marka laga soo tago baqdinta ay muujinayaan madaxda galbeedka Afrika iyo daciifnimada ku timid kalosoonidii ay ku qabeen Ruushka, waxaa dhanka kale laga dardaar warinayaa mustaqbalka Moscow ee Afrika, hadiiba xaalad hubanti la’aan ah ay ku jiraan sadlhigiyadiisii ugu muhiimsanaa ee ku yiilay Suuriya tan iyo sandkii 2015.
FAAFREEB PRO