Ivory Coast oo Shaacisay Iney Wadankeeda ka Saareyso Ciidamada Faransiiska.

Jan 2, 2025

Sida uu saacadihii lasoo dhaafay nashriyey joornaalka The Nation ee kasoo baxa dalka Nigeria xukuumada Ivory Coast ayaa shaacisay iney dalkeeda ka saareyso ciidamada Faransiiska ee waqti fog halkaas ku sugan.

Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa intii uu jeedinayey khudbadiisa sanadka cusub waxa uu ka dhawaajiyey iney ku jiraan sidii wadankooda ay uga saari lahaayeen askarta Faransiiska, wixii hadda ka dambeeyana ay ku xisaabtami doonaan ciidamadooda gudaha waa sida uu hadalka u dhigee.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in xukuumada Paris aysan midaan ku degdegi doonin kana fiirsan doonto talaabadaan, maadaama si fudud markii hore looga soo saaray dalal badan oo dhaca galbeedka qaaradan Afrika.

Ivory Coast ayaa hadda dooneysa iney qaado dhabihii Mali, Niger iyo Burkina Faso wadamaas oo ay har cad isaga bexeen askartii Faransiiska ahaa ee ku sugnaa waqtiga dheer, xilli sidoo kale ay xusid mudantahay in dowladda Chad ay bishii November ee sanadkii tagay 2024 ay shaacisay iney soo afmeertay iskaashigii kala dhexeeyey Faransiiska, taasoo lama filaan ku noqotay xukuumada Paris.

FAAFREEB PRO