Kooxda ridada Soomaaliya ayaa durbadiiba bilowday iney magaalada Muqdisho kusoo dhaweyso madax sarre oo ka socota dhanka Itoobiya xiili xabashida loo rumeeyey riyadii ay ku tahmayeen ee ahayd iney hesho qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada caasimada ah ee Muqdisho soo gaaray taliyaha ciidanka Itoobiya General Birhanu iyo wasiirka Gashaandhiga itoobiya iyo xubno kale oo dhowr ah.
Madaxdan ka socota dhanka Itoobiya ayaa kulamo la qaadan doona murtad Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana durbadiiba warbaahinta si hoose usoo galay in taliyaha ciidamada Itoobiya uu doonayo in Gurguurte uu kala hadlo arimaha ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale kulanka Labada dhinac ayaa la sheegay inuu si guud daaranaan doono howgalka cusub ee AUSSOM iyo sida ay kooxda ridada u qancin lahayd ciidamada xukuumada Abey Axmed maadaama dalka ay ku suganyihiin boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah.
Dhanka kale murtad Axmed Macalin Fiqi oo ah wasiirka arimaha dibada ridada ayaa saacadihii lasoo dhaafay isagoo isku muujinayey in xukuumadiisa ay guul ka gaartay Itoobiya waxa uu sheegay iney xaqiijiyeen ahdaaftii ay ka damacsanaayeen Itoobiya sidaasina lagu gaaray heshiis, balse taas cagsigeed kooxda ridada ayaa qoorta u raaricisay damacii Itoobiya iyadoona u gacan galisay dhaxal sanado badan lasoo ilaalinayey.
Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulankan ay yeelan doonaan murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdan ka socota dhanka Itoobiya, Xasan muxuu xal ahaan u qaadan doonaa, Masar iyo Itoobiya miyuu hal meel isugu keeni doonaa oo sidaas miyuu markale lugaha kula gali doonaa jaxiimo hor leh mise xal kale oo fashil kusoo idlaada ayuu qaadan doonaa, waasa la arki doonaa natiijada soo baxda.