WABIXIN – The Times of Isreal “Muhiimada Yuhuuda ay u Leedahay Aqoonsiga Somaaliland”.

Jan 8, 2025

“Ahmiyada Istiraatijiyadeed ee uu Aqoonsiga Somaliland u leeyahay Amaanka Israel” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska The Times Of Israel oo uu leeyahay maamulka gumeystaha yuhuuda.

Waxaa ugu horeyntii warbixintan lagu bilaabayaa in bariga dhexe iyo geeska Afrika waayahan dambe ay marti galinayaan xaalado colaadeed oo aanan la dhayelsan karin, sida Iran iyo xulafadeeda xiisadaha ay kawadaan dhulka bariga dhexe iyo maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Yemen oo iyagana weeraro xoogan ka wada biyaha badda cas.

Sidaa darteed waxaa warbixinta lagu sheegayaa iney muhiim tahay in maamulka gumeystaha uu markan bariga Afrika ka helo dhul istaariijiyadeed oo uu ka ilaaliyo amaankiisa Talaabiib iyo goobaha kale ee uu xooga ku heysto ee ka mid ah dhulka Filistiin.

Markii ay sahaayinadu in muddo ah indha indheeyeen gobolka geeska Afrika ayey ugu dambeyn warbixintu sheegeysaa iney maamulka isku magacaabay Soomaaliland u arkeen mid u fulin kara danahooda hadii ay caalamka uga soo dhiciyaan aqoonsiga ay ku tahmayaan inta mudada ah.

Qoraalka The Times of Israel ayaa sidoo kale lagu sheegayaa dhulka uu ka arimiyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaaliland uu yahay mid istaraatiijiyadeed oo si aad ah ugu haboon danaha yuhuuda, xukuumada Israel-na ay ka ilaalin karto khataraha uga soo wajahan gobolka waa sida hadalka loo dhigee.

“Israa’iil waxay ka faa’iidaysan doontaa aqoonsiga Somaliland, si ay u ilaaliso amnigeeda qaranka, uga hortagto khataraha gobolka, u abuurato fursado dhaqaale oo hor leh, u hagaajiso xiriiradeeda diblumaasiyadeed una taageerto maamulada dimuquraadiga ah ee ka jira gobolka” waxaa sidaas lagu yiri qoraalka warbixinta.

Sidoo kale warbixinta The Timse of Israel oo sii socota ayaa lagu yiri “Aqoonsiga Somaliland waxa ay Israel siinaysaa saaxiib istiraatijiyadeed oo geeska Afrika ah, taas oo kor u qaadaysa amniga qaranka iyo mawqifkeeda juqraafiyeed ee gobolka” .

Xogta joornaalka oo sii socota ayaa markan lagu sheegayaa in hadii yuhuuda ay u hirgasho inuu cilaaqaadkan dhow la yeesho maamulkan ridada ah ay sahaayinada heli doonaan fursad ay badda cas kula loolamaan maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Yeman ee taageerada ka helay dowladaha shiicada ah ee Iran.

Waxa sidoo kale maamulkan isku magacaabay Israel sheegayaa in dhulka Soomaalilandu u yahay mid ku haboon in laga duulaan tago marka la doonayo in la weeraro fariisimaha Xuuthiyiinta, arinkaasna uu yahay mid kamid ah waxyaabaha ay u doorbidayaan saaxiibtinimada iyo soo dhaweysiga maamulka ashahaada la dirirka ah ee Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale warbixinta wargeyskan oo sii socota lagu sheegayaa in maamulka yuhuuda uu doonayo in markii ay aqoonsiga siiyaan Soomaaliland ay is weydaarsadaan xogaha sirdoon ee gobolka, sidoo kalana ay si wada jir ah u sameeyaan dhoolatusyo ciidan, taasoo uu gumeystuhu ka damacsanyahay inuu kusoo jiito dalal badan oo dhaca geeska Afrika oo hada ka didsan siyaasadiisa.

Dhanka dhaqaalaha iyo damaca yuhuuda ay ka leeyihiin gobolada woqooyi ee Soomaaliya, waxay warbxintu xuseysaa in dhulka uu ka arimiyo maamulka isugu yeera Soomaaliland uu yahay mid leh ilo dhaqaale oo fara badan taasoo xitaa soo jiidatay tabaneeyo maalgashato ah oo kasoo jeeda dalal dhaca daafaha caalamka.

Sidaa darteed maamulka sahaayinada ayaa doonaya in isaguna uu dhankiisa kaga soo biiro kuwa dhaqaalaha ka sameynaya gudaha wadanka, si sanad walba uu uga soo xareeyo malaayiin dollar oo uu dib ugu adeegsado gumaadka iyo gaajeysiinta shacabka reer Qaza.

Waxaana warbixinta oo sii socota lagu yiri “Aqoonsiga Somaliland waxa ay sidoo kale Israel u furi doontaa fursado dhaqaale oo cusub, somaliland waxa ka jira kobac dhaqaale oo soo jiitay maalgashiga dalal kala duwan si gaar ahaaneed dhinacyada beeraha, tamarta iyo kaabayaasha kale”.

Waxaa gunaanudkii warbixinta lagu sheegayaa in maamulka isku magacaabay Israel uu masaalix inta aan soo xusnay ka badan uu ka heli doono hadii mar uu aqoonsi siiyo Soomaaliland, isla markaana uu ku dhabar jabin doono maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Yemen.

Maamulka sahaayinada ayaa markan usoo xeedanaya xayuubsiga qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed waliba isagoo soo xiranaya shaar aqoonsi siin ah iyo xiriir saaxiibtinimo, halka sheekadu ay midaas ka duwantahay oo uu doonayo inuu dhulkan keeno kayaankiisa iskuna fidiyo si lamid ah Filistiinta barakeysan, waliba isagoo xayuubsanaya kheyraadka dhulkan halkana ka ilaalinaya masaalixdiisa oo idil.

FAAFREEB PRO