Askarta Mareykanka iyo kuwa Yahuudda ayaa la sheegay in ay iska kaashanayaan abaabulidda weerar ka dhan ah xarumaha hubka Niyugleerka Iiraan.
Sida uu nashriyey wargeyska cibriga ah ee Yedioth Ahronoth taliye ku xigeenka taliska dhexe ee Mareykanka Admiral Brad Cooper iyo ku-xigeenka madaxa guud ee ciidamada Mareykanka ninka lagu magacaabo Amir Baram ayaa saacadihii lasoo dhaafay kawada hadlay sidii ay iyga iyo maamulka isku magacaabay Israel ay weerar wada jir ah ugu qaadi lahaayeen xukuumada Tehran.
Sidoo kale Labadan masuul ayaa saacadihii lasoo dhaafay iyagoo wada jira waxay booqdeen qaar kamid ah saldhigyada ciidamada Mareykanka ugu muhiimsan sida midka Nevatim, iyadoona durbadiiba la qaadayo talaabooyin muujinaya sida dhinacyadu ay u daneynayaan weerar ay si wada jir ah ugu ekeeyaan dowladda Iran.
Sidoo kale ragan ayaa ka wada hadlay arinka Xuuthiyiinta Yemen iyo xiisada ka taagan badda cas, waxayna dhinacyadu muujiyeen iney muhiim tahay qaadista weerar ay u dhanyihiin oo ka dhan ah xukuumada Mascuud Bazashkiyaan, waa sida hadalka loo dhigee.
Damacan Mareykanka iyo yuhuuda ee ah iney hal mar weeraraan gudaha Iran ayaa kusoo beegmay xilli Iran ay waayahan dambe dhankeeda sii xoojisay dhoolatusyada ciidan ee ay ka sameyneyso gobolo dhowr ah oo ku yaala gudaha wadankeeda, taasoo shaki ku abuurtay xukuumadaha Washington iyo tan iski magacwoday Israel.
FAAFREEB PRO