Waa Kuma Cabdiraxmaan al-Qaradawi oo ay Lubnaan u Gacan Galisay Imaaraatka?.

Jan 9, 2025

Dowladda Lubnaan ayaa ugu dambeyntii ogolaatay iney Imaartaaka u gacan galiso Cabdiraxmaan al-Qaradawi oo uu dhalay Yuusuf Al-Qaradaawi oo kamid ahaa culumada u fatwoota xukuumada Dowxa.

Sida saacadihii in weedaartay ay baahinayeen jaraa’idyada ugu afka dheer caalamka sida Al Sharqul Awsat, xukuumadaha Beyruut iyo Abu Dubai ayaa isku afgartay in xabsiga loo dhaadhiciyo Cabdiraxmaan al-Qaradawi, oo afka ku weerari jiray xukuumadaha dhawaaqiidaha ee madaxa kaga taagan shucuubta Islaamka.

Ninkan oo in muddo ah ay raadineysa xukuumada Imaaraatka carabta ayaa bishii lasoo dhaafay mar qura kasoo muuqday masjika Umawiyiinta eek u yaala gudaha dalka Suuriya, isagoona shacabka carabta ugu baaqay iney sida Bashaar AL-Asad oo kale ay isaga dul qaadaan xukuumta madaxa kaga taagan, waxa uuna si gaar ah markaas farta ugu fiiqay, dowladaha Sucuudiga, Masar iyo Imaaraatka.

Ninkan ayaa asla ahaan kasoo jeeda dalka Masar, waxayna xukuumada Qaahira isagoo maqan ku xukuntay 5 sano oo xarig ah, ugu dambeyntii 28-kii bishii hore December 2024 ayuu gaaray dalka Lubnaan waxaana halkaas ku xiray laamaha amaanka Lubnaan, iyagoona hadda go’aansaya iney u gacan galiyaan Imaaraatkii baadi goobayey.

FAAFREEB PRO