Damaca Trump ee Kanaalka Panama, Jaziirada Greeland iyo Dhulka Canada.

Jan 11, 2025

Damaca Trump ee ah inuu xayuubsado kanaanka Panama, jaziirada Greeland iyo Canada ma mid culus baa mise waa mid uu ku doonayo inuu kaliya cadaadis ku saaro Danmark iyo Panama.

Sida uu daabacay joornaalka Le Parisien ee kasoo baxa dalka Faransiiska madaxweynaha Mareykanka ee uu caleema saarka u dhimanyahay Donald Trump ayaa dhowr jeer oo hore si aad ah ugu hanjabay inuu la wareegi doono goobahaas oo idil waliba isagoo ku soo dari doona dhulka Mareykanka.

Wargeyska oo wareysi la yeeshay khubaro dhowr ah ayaa tibaaxaya in Donald Trump hadalkiisan uu u muuqdo mid uu ku doonayo inuu ku cadaadiyo dowladaha Danmark, Canada iyo Panama, si ay ugu dhaga nuglaadaan damacyada Mareykanka marka laga hadlayo xaga dhaqaalaha, saamiyada suuqa iyo badeecadaha lasoo galinayo ama laga dhaoofinayo gudaha dalka Mareykanka.

Marka laga soo tago in Trump waayahan uu si aad ah ugu cel celinayey iney la wareegayaan marin biyoodka Panama iyo jaziirada Greeland oo hoos tagta dalka Danmark, hada waxaa tan markii uu xilka ka dagay R/wasaarihii Canada Justin Trudeau Trump ku cel celinayaa iney mar dhow Canada kusoo dari doonaan dhulkooda, taasoo buuq siyaasadeed oo xoogan markale ka dhax abuurtay baraha kala duwan ee Internet-ka.

Waxaa intaasi sii dheer misana joornaalku uu xusayaa in Donald Trump uu xitaa hadda damac kaga jiro dalka Mexico oo uu sheegay inuu ka badalayo magaca una bixin doono Gulf of America ama gacanka Mareykanka, marka intaas oo idil la isku soo xooriyo ayeyna xoguhu leeyihiin waana damicii isbalaarineed abid ku dhaqaaqo Trump.

FAAFREEB PRO