Doorka Xabsiga Sednaya ay ku Lahayd Hay’ada CIA-da Mareykanka.

Jan 11, 2025

Sida uu daabacay The Nation xukuumada Mareykanka ayaa awood xoog leh ku dhax lahaa gudaha xabsiga fadeexada ku caan baxay ee Sednaya tan iyo markii la daah furay laguna xeray boqlaal maxaabiis muslimiin ah oo aanan lahayn wax dambi ah.

Waxay warbixintu leedahay hay’ada CIA-da ayaa sameyn iyo faragalin balaaran ku heysay qeybaha kala duwan ee xabsiga, waxayna su’aalo iyo tacdiiba kula kcii jireen maxabiista muslimiinta ah, si gaar ahaaneed kuwa ay u arkaan iney halis ku yihiin danohooda gobolka.

Waxay warbixinta jariirada oo sii socota lagu sheegayaa in Mareykanka uu kooxdii ugu horeysay ee uu ku dhax taciidbiyo gudaha xabsiga Sednaaya ay ahaayeen Masaari ay kusoo oogeen fal argigixisinimo, kuwaas oo uu kiiskooda aanan tan iyo sanadii 2007 meelna lagu sheegin.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in hay’ada CIA-da Mareykanka ay sii gudbin jirtay maxaabiista qaar eek u xirnaa xabsiga Sednaaya ee dalka Suuriya, kuwaas oo aan qaarkood ilaa hadda aan la hayn raq iyo ruux toona.

Waxayna gaba gabadii midaan muujineysaa sida Mareykanka uu kaalin weyn ugu lahaa xabsigan oo lagu tilmaamo kawaanka bani aadamka, waliba iyadoo xukuumada Washington midaas ka dabooli jirta warbaahinta, walow ay hadda wax walba si tartiib tartiib ah ay banaanka usoo baxayaan xogo daahsoonaa in muddo ah.

FAAFREEB PRO