Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda riddada ay maamullada Ashahaadda ladirirrada ah ee Hiiraan State iyo Hirshabelle kala wareegtay ammaanka magaalada Beledweyne.
Saraakiil katirsan kooxda riddada oo maalmahan ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lagu wareejiyay saldhigga Booliska Beledweyne iyo xarumaha muhiimka ah islamarkaana lakala diray maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa.
Sanbaloolshe oo ah madaxa sirdoonka kooxda Riddada ayaa xaqiijiyay in kulamo ay maalmahan ka wadeen xarunta gobolka Hiiraan ay ugu dambeyntii ku guuleysteen in ay kaladiraan maleeshiyaadkii macaawisleyda iyo maamulkii uu Cali Jeyte dhise ee loo yaqaan Hiiraan State.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadkii isbaarooyinku uyiillay gudaha iyo hareeraha magaalada Beledweyne laysugu geeyay agagaarka buurta janta kuundishe halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamada xabashida Itoobiya.
Wasiirka batroolka ee kooxda riddada iyo Odawaa Yuusuf Raage oo iyana ka hadlay goobtii ay kula wareegayeen xarumaha magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in boqolaal maleeshiyaadka ay banaanka ubaxsadeen iyagoo diidan in lakala diro waxayna qireen isbaara qaadistu ay waqti badan qaadan doonto.
Maleeshiyaadka macaawisleyda oo kooxda riddadu ay horay udhistay ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay gabood fallo ka geysanayay magaalada beledweyne iyo hareeraheeda waxayna markii dambe kooxda riddada isku dayday in ay kala dirto balse waxay kala kulantay iska caabin.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiil katirsanaa maleeshiyaadka ay weli dibad joog ka yihiin mashruuca kala diridda ah ee ay wadaan Sanbaloolshe iyo Odawaa Yuusuf Raage