Biden iyo Natanyaahu oo Kuwada Hadlay Qadka Taleefanka.

Jan 13, 2025

Biden iyo Natanyaahu ayaa kuwada hadlay qadka taleefanka iskuna soo hadal qaaday malafka maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin.

Sida uu baahiyey wargeyska Al-Shaqrul Awsat waxaa wada-hadal dhanta taleefanka ah saacadihii lasoo dhaafay yeeshay madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya Joe Biden iyo Binyamiin Natanyaahu, isagoona Natanyaahu Biden u sheegay iney hormar ka gaareen arinka xabad joojinta warqadaha heshiiskana ay ku wareejiyeen kooxda wada xaajoodka ee Dowxa.

Waxa uu sidoo kale Biden dhankiisa uu muujiyey walaaca uu ka qabao masiirka maxaabiista sahaayinada ee u xiran kooxaha wax iska caabinta Filistiin, isagoona ka dhawaajiyey iney muhiim tahay soo dedejinta xabad joojinta si dib ay yuhuuda ugu helaan maxaabiistooda waa sida uu hadalka u dhigee.

Wada-hadalka dhax maray Labada nin ayaa dabcan kusoo beegmay xilli sidoo kale saacado ka hor ay kulan wada qaateen Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe iyo wasiirka difaaca yuhuuda Israel Katz iyo saraakiil dhanka ammaanka oo ka tirsan maamulka isku magacaabay Israel, iyagoona kawada hadlay qadiyado dhowr ah oo ay ku jirit arinka maxaabiista ka maqan xukuumada Binyamin Natanyaahu.

FAAFREEB PRO