KooxdaRidada oo Ogolaatay in Saldhiga Turkisom lagu Tababaro Ciidamo Ka Socda Dalka Suudaan.

Jan 14, 2025

Waxaa lagu waramayaa in markii u horreysay ay kooxda ridada door ku yeelan doonto howllgalka militari ee ciidanka Suudaan ay kula dagaallamayaan kooxda RSF ee uu taageero Imaaraatka.

Xogtan ayaa soo baxday kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu magaalada Qaahira ee dalka Masar ka dhacay shir heer wasiir arrimo dibadeed ah kaas oo gaba gabadiisa laga soo saaray war murtiyeed dhigaya in dowladaha Masar, Eritrea iyo kooxda ridada Soomaaliya ay saameyn xoogan ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah RSF.

Waxaa warka kasoo baxay kulankan lagu sheegay in dalalkan looga baahanyahay iney tababaro siiyaan ciidamada C/Fitaax Al-Burhaan taas oo ay u muuqato ineysan kasoo bixi karin xukuumada murtad Gurguurte maadaama iney ciidan soo saarta iska daayee iyada wax loo soo saaro.

Balse xogaha qaar ayaa tibaaxaya in doorka kooxda ridada uu noqon karo iney bixiso saldhigyo ciidan oo lagu soo daabuli doono ciidanka Suudaan si halkaas loogu siiyo tababarada la doonayo.

Saadaasha ugu badan ayaana sheegeysa in saldhiga Turkisom ee magaalada Muqdisho uu noqon karo halka la geyn karo ciidanka Suudaan maadaama dowladda ridada ah ee Turkiga ay hadda si aad ah ugu soo banbaxday iney taageereyso militariga Suudaan ee loolanka kula jira maleeshiyaatka Dacmu Sariic.

Su’aasha jawaabta u baahan ee la isweydiinayo ayaa hadda ah sidee ayey kooxda ridada oo ilaalin weysay amnigeeda daakhilka ay maanta u awoodi doontaa iney ilaaliso saldhigyada shisheeyey ee ay kusoo badineyso dalka, iyadoona la ogaa wixii ku dhacay kuwii hore ee halaaga lagu dhadhansiiyey cadawga Allah ee midibada kala duwan leh.