Masuul Katirsan Maamulka Ridada Koonfur Galbeed oo Dhulboob Kawada Baydhabo.

Jan 14, 2025

Waxaa sii xoogaysanaya oo meeshii ugu xumayd maraaya boobka, barakicinta iyo dhaca bareerka ah ee hantida bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed ay ku hayaan madaxda maamullada riddada ah ee daba-dhilifyada Soomaaliya, oo hormuud uu ka yahay Murtad Xasan Gurguurte.

Odayaal dhaqan oo shalay magaallada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa cabasho xooggan ka muujiyey mas’uul ka tirsan maamulka riddada ee la baxay Koonfur Galbeed, oo ay sheegeen in uu xoog ku haysto kuna dhisanaayo dhul iyagu ay leeyihiin.

Ninkan lagu eedeeyey inuu xoog ku haysto dhul aanu lahayn ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Keereey, kaas oo sida ay odayaashu ka dhawaajiyeen la-taliye u ah C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), madaxa maamulka riddada Koonfur Galbeed.

Odayaasha ayaa sidoo kale shaaciyey in tallaabadan tacaddiga iyo awood-sheegashada ah ee uu kula kacay ninkan la-taliyaha u ah madaxa maamulka riddada ee Koonfur Galbeed uu ku weheliyo, qayb-na ka yahay taliyaha booliska ee magaalada Baydhabo.

Dhulka uu ninkani xaq-darradada ku dhisanaayo oo ku yaalla magaallada Baydhabo ayay odayaashu sheegeen in ay leedahay qof hawaynay ah oo kamid ah bulshada magaalada , ayna haysato documentiyadii caddaynaayay lahaanshiyaha dhulkaasi.

Sidoo kale odayaashu waxay carabka ku dhufteen in gabadha iska leh dhulku ay u dacwootay madaxda riddada ee maamulkaasi oo uu ka mid yahay Murtad laftagareen, si loo joojiyo dhismaha ku socda dhulkeeda, balse ilaa hadda aan dhag jalaq loo siin oo ay quus ka joogto wax ka hoos qaada tabashadeeda.

Inta badan magaalooyinka ay gacanta ku haayaan maamuulada ridada ah ee ay gaaladu dalka ka dhiseen ayaa waxaa kasocda dhulboob xooan, kaas oo sii xoogaystay tan iyo markii Gurguurte uu markale hogaamiye unoqday Koxda Ridada, kaas oo boobka ugu badan kawada magaalada Mogdisho