Xaalada Dhabta ah ee Los Angeles iyo Xaafada Pacific Palisades.

Jan 14, 2025

Maqaal lagu qoray joornaalka maalinlaha ah ee Newyork Times ayaa lagu iftiiminayo xaqiiqda dahbta ah ee ay hadda ku suganyihiin dadkii ku noolaa gobolka California-na ee uu wali dabka halakeynayo.

Maqaalkan oo ay qalinka u qaadatay Patti Davis oo ah haweeney uu dhalay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan ayaa lagu sheegay, in Ameerikaankii daganaa Los Angeles iyo xaafadaha ku hareereysan ay maanta yihiin kuwa murugo la daris ah, noloshooduna ay isku badashay daqiiqado guduhooda, iyadoona tabashleyntii ay isku rogtay gidaar fariisi iyo warbaahin la hadal.

Waxaa maqaalka si gaar ah loogu soo hadal qaadayaa xaafada Pacific Palisades oo ay ku noolaayeen hantiilayaal fara badan iyo shaqsiyaad magac ku dhax leh Internet-ka, waxaana sida lagu waramayo Meesha ku basbeelay guryo qaali ah oo u uku jiro midii ugu qaalisanaa guud ahaa Los Angeles oo ku fadhiyey aduun lacageed oo gaaraya ilaa 125 Milyan oo Dollar.

“Waxaan ku noolayn Pacific Palisades halkaas oo ay ahayd mid aad u xasilloon, run ahaantii hadda waan weynay wax walba” waxaa sidaas tiri Patti Davis oo ah haweeney uu dhalay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan.

Bulshada Mareykanka ayaa wali la amakaagsan ciqaabtan ku habsatay tan iyo talaadadii hore ee ay xakameyn la’adahay dowladooda, waxaana daqiiqad walba lasoo warinayaa kororka khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabka ka ololaya gobolka California.

FAAFREEB PRO