Japan oo Wanaajineysa Xiriirka Shiinaha Dhabarkana Aadisay Mareykanka.

Jan 14, 2025

Japan ayaa damacyada Mareykanka dhabarka u jeedisay taa badalkeedna wanaajineysa xiriirka ay la leedahay Shiinaha.

Sida lagu waramayo waxaa sii xumaanaya cilaaqaadka u dhexeeya xukuumadaha Tokeyo iyo Washington si gaar ahaaneed midka ganacsiga, waxayna dowladda Japan waayahan u garab raaricineysaa misana ay daneyneysaa wanaajinta xiriirka ganacsi ee Shiinaha.

Arinaka sababay in Japan ay dhabarka aadiso inta badan danaha ganacsi ee Mareykana ayaa lagu waramaa inuu kasoo askumay war kasoo baxay Washington oo ahaa in shirkada Nippon Steel oo laga leeyahay dalka Japan lagu wareejiyo Us Steel taasoo ay ka carootay xukuumada Tokeyo.

Wixii markaas ka dambeeyey Japan ayaa u muuqata mid xiriir adag oo ganacsi markan la xiraneysa Shiinaha oo ah cadawga Koowaad ee uu Mareykanku leeyahay marka laga hadlayo suuqyada ganacsiga iyo saamiyada caalamiga ah.

Sidoo kale Japan ayaaba hadda qorsheyneysa iney soo dhaweyn u sameyso madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo bisha February ee soo aadan la qorsheynayo inuu yimaado gudaha dalka Japan, taasoo sii kicin doonta carada Mareykanka siina kala fogeyn doonta is fahankii ganacsi ee ka dhexeeyey xukuumadaha Tokeyo iyo Washington.

FAAFREEB PRO