Xadhiga madaxweynahan xilka laga xayuubiyey, waxaa si rasmiya u shaacisay xarunta baadhista dambiyada musuqmaasuqa ee Kuuriyada Koonfureed oo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hawl-galkan ay fuliyeen aroortii hore ee saaka.
Baarayaasha Kuuriyada Koonfureed iyo booliiska ayaa hawl-galkan u adeegsaday jaranjaro si ay u fuulaan dhismaha M/weyne Yoon, ka dib markii ay xannibeen adeegga amniga ee madaxtooyada, kuwaas oo xidhay albaabka iyaga oo isticmaalaya baabuur, sida ay wararku sheegayaan.
Wararka ayaa intaas ku daraaya, in kumanaan qof, oo ay ku jiraan taageereyaal, ay isugu soo baxeen bannaanka guriga Yoon, halka koox sharci-yaqaanno ah oo ka tirsan xisbiga Konseerfatif-ka ee People Power Party iyo qareennada Yoon ay sidoo kale isku dayeen inay ka hortagaan xadhiga madaxweynaha.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xiritaanka ka dib, kolonyada madaxweynaha ee Yoon, la arkayay iyagoo ka sii baxaya hoygiisa, iyadoo gaari la sheegay in uu siday Yoon uu markii dambe yimid xafiiska baadhista musuqmaasuqa ee saraakiisha darajooyinka sare ee magaallada Gwacheon.
Xarigiisa ka dib, waxa la baahiyey fariin muuqaal ah oo la sheegay in horey loo duubay, taas oo Madaxweyne Yoon uu mar kale meesha kaga saaray baadhitaannadii lagu sameeyay isaga oo uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah.
M/weyne Yoon ayaa wajahi doono su’aallo iyo baaritaanno badan oo la xiriira tallaabooyinkan uu qaaday, oo ay ku jiraan eedeymo ah in uu doonayo inuu hoggaamiyo kacdoon, ficilladaas oo lagu sheegay inay yihiin dambiyo lagu mutaysan karo dil ama xasbsi daa’in.
Xafiiska dambi-baadhista iyo wasaaradda gaashaandhigga oo iskaashanaya ayaa la sheegayaa in horaantii bishan Janaayo ay isku dayeen in ay qabtaan Yoon, balse ay ku guul-daraysteen, kadib is-hor-taag saacado qaatay oo ay kala kulmeen askar iyo saraakiil ka tirsan nabad-sugidda madaxtooyada.
Tan iyo maalintaas madaxweynaha ayay xaaladdiisu cakirnayd muddo todobaadyo ah, waxaanu ku xayirnaa hoygiisa Seol oo ay ku hareeraysnaayeen kooxda uu ka tirsan yahay ee ilaalada madaxtooyada, isagoo ka baxsanaya in la xidho iyo inuu wajaho baadhitaano dhawr ah iyo weliba xil-ka-qaadis.
Maxkamadaynta madaxweynaha ayaa bilaabantay kadib markii golaha qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ay u codeeyeen 14-kii Diseembar in xilka laga qaado Yoon, ka dib markii uu si lama filaan ah xukun millateri ugu soo rogay waddankaasi Diseembar 3, 2024.
Hawl-galkan lagu soo qabtay madaxweyne Yoon ayaa la sheegayaa inay ka qayb-qaateen ciidan boolis ah oo tiradooda lagu qiyaasay Kun askari. Waana markii ugu horreysay dalkan oo tallaabo caynkan oo kale ah laga qaado mas’uul darajadiisu heerkaasi gaarsiisan tahay.