Ruushka oo Sheegay in Turkiga uu ku Taagersanyahay Riditaankii Bashaar Al-Asad.

Jan 15, 2025

Sida lagu waramayo Ruushka ayaa soo bandhigay inay taageersanyihiin istiraatijiyada Turkiga ee arrimaha Suuriya iyo sida uu wax walba daaha gadaashiisa uga maamulay marka laga hadlayo jabkii ku dhacay nidaamkii Bashaar Al-Asad.

Sergey Lavrov oo ah wasiirka arimaha dibada Ruushka oo saacadihii lasoo dhaafay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in dhan walba ay ka taagersanyihiin istaatiijyada xukuumada Ankara ee qadiyada Suuriya iyo doorkii ay ciyaartay, waxa uuna dhanka kale tibaaxay in wax walba oo ku dhacay nidaamkii Suuriya uu sabab u yahay Bashaar Al-Asad.

Waxa uu Lavrov sheegay in ka Ruush ahaan ay ninkan kula taliyeen inuu isbadal ku sameeyo nidaamka wadanka, uuna soo dhiso dowladd ay ku qanacsanyihiin shacabka balse midaas uu ka dhaga adeegay, natiijada Bashaar Al-Asad uu dhaxlayna ay nooqtay wixii la ogaa ee jab ahaa ee uu caalamku marqaatiga ka noqday.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibada xukuumada Moscow ayaa sheegay in dowladiisa aysan lumin doomin wujuudkeeda bariga dhexe iyo Suuriya waxa uuna yiri “Kama bixi doono bariga dhexe, safaaradayaduna kamaysan qalab qaadan gudaha Dimishiq taa badalkeedna waxaan maalin walba la xiriirnaa nidaamka cusub ee Suuriya”.

Hadalkan ayaa saameyn xoogan ka dhax abuuray saaxada siyaasada caalamka, xilli ay taagneyd su’aasha ah goormee ayuu Ruushka ka qalab qaadan doonaa gudaha dalka Suuriya awoodiisa bariga dhexena uu u rari doonaa dhanka qaarada Afrika gaar ahaan galbeedkeeda?.

FAAFREEB PRO