Muqaawamada Iyo Yahuudda oo Saxiixay Heshiis Lagusoo Afjarayo Dagaalka Qaza [Warbixin].

Jan 16, 2025
Heshiis xabad joojin iyo maxaabiis isweydaarsi ah ayaa xalay lagu saxiixay magaalada Dooxa ee caasimadda wadanka Qadar halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka socdeen wadahadallo aan loo kala kicin.
Kadib 466 maalmood oo dagaallo iyo duqeymo laayaan ah ay ka socdeen magaalada Qaza ayaa heshiis buuxa laga gaaray dagaalladii magaaladaas ka socday.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Qadar ayaa iclaamiyay qodobada lagu heshiiyay oo ay saxiixeen xoogaga muqaawamada Falasdiin iyo maamulka Yahuudda.
Heshiiska qodobada uu dhigayo dhammaantood waxay guul uyihiin reer Qaza iyo dagaalyahannadooda wuxuuna dulli ku yahay Yahuudda Sahyuuniyadda oo aan xaqiijin dhammaan ahdaaftii ay dagaalka uqaadeen.
Heshiisku wuxuu dhaqan gal noqon doonaa sedax maalmood kadib isagoo billaabanaya maalinta Axadda ee soo socota.
Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in ciidanka Yahuuddu ay si dhammeystiran uga baxaan magaalada Qaza waxaana guryahooda dib ugu laabanaya malaayiin qof muslimiin ah oo horay ubarakacay, labada dhinac ayaa is dhaafsanaya maxaabiis, sida heshiiska ku cad waxaa xabsiyada lagasii daynayaa kumanaan kun maxaabiis muslimiin ah halka muqaawamadu ay sii daynayaan maxaabiista Yahuudda iyo reergalbeedka ah ee ay gacanta ku hayaan kuna qabteen howlgalkii duufaanta Alqsaa.
Heshiiska ayaa dhigaya in illaa sedax marxaladood loo fuliyo,marxaladda koowaad waxay ku billaabanaysaa in muqaawamadu maalintiiba sii daayaan 33 maxbuus Yahuud ah halka Sahaayinadu ay calaa maxbuus ku bedelanayaan 30 maxbuus muslimiin ah.
Joe Biden iyo Trump oo hadlay ayaa sheegay in ay dhinacyada kula dardaarmayaan dhaqan gelinta heshiiska.
Khaliil Alxayah oo uhadlay kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqay in ay iyagu dagaalka ku guulaysteen ayna xaqiijiyeen dhammaan ahdaaftii ay ka lahaayeen howlgalkii duufaanta Al-Aqsaa.
Xamaas waxay bogaadisay dagaalyahannada wax iska caabinta iyo shacabka Qaza ee muddada 15ka bilood ah udhabar adeyga ladagaallanka Sahyuuniyadda iyo taageerayaashooda reergalbeedka ah