Iran iyo Ruushka oo Gaaray Heshiisyo Dhabraka ka Jabinaya Reer Galbeedka.

Jan 19, 2025

Sida uu daabacay joornaalka Pravda ee kasoo baxa dalka Ruushka, xukuumadaha Moscow iyo Tehran ayaa saacadihii lasoo dhaaday waxay qalinka ku wada duugeen heshiisyo fara badan oo naafeyn doona danaha dhaqaale iyo kuwa caskari ee reer yurub.

Sida xogta jariiradu ay tibaaxeyso dhinacyada ayaa gaaray heshiisyo ay kamid yihiin iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhamaystiran oo daboolaya dhinacyada ganacsiga iyo milatariga sidoo kale dhanka sayniska, dhaqanka iyo waxbarashada.

Dhanka kale madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin uu rumeysan yahay in labadooda dal ay dhameystiri karaan heshiisyada dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah ee Iran.

Walow dhinacyadu ay u muuqdaan kuwa isku fahmay arimo dhowr ah hadana midkood ma cadeyn wax damaanad qaad amni ah, sida in Ruushka uu difaaci doono Iran hadii ay la kulanto weerar xoogan oo uga yimaada dhanka awoodaha kula loolamaya gobolka, taasoo Meesha ka saareysa saadaal in muddo ah la waday.

FAAFREEB PRO