Sida ay daabeceen joornaalada The Economist iyo Washington Post waxaa la saadaalinayaa in Donald Trump uu muddo xileedkiisan Meesha ka saari dono siyaasada arimaha dibada Mareykanka ay kusoo dhaqmeysay muddo gaareysa 80 sano oo xiriir ah.
Waxaa warbixinta lagu sheegayaa in Trump 4 sano ee soo aadan uu qorsheynayo inuu kala fur furo siyaasadii ay xukuumada Washington qaaradaha yurub, Asia, Afirca iyo Australia ay ku wajihi jirtay tan iyo dagaalkii Labaad ee dunida, isagoona doonaya ninkan inuu meel mariyo damacyo badan oo ka dhax guuxaya.
Wargeyska Washington Post oo soo xiganaysa xoghayaha cusub arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay, in xukuumadan hadda lasoo dhisay ay dooneyso iney dunida ka sameyso saameyn xoogan iyadoo adkeyn doonta xiriirka ay la leedahay maamulka isugu yeera israel iyo jaziirada Taiwan, iyadoona xooga la saari doona naafeynta Shiinaha xaga dhaqaalaha marka laga hadlayo.
Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in maamulka Trump uu muddo xilikeedkiisan uu doonayo inuu xakameeyo taakulada Ukrain, hadii ay xukuumada Kyev xaalkeedu uu sidaan kusii socdana markaas la filan karo talaabo kale oo ka timaada xaga aqalka cad iyo nidaamka Trump.
FAAFREEB PRO