Farmaajo oo Eedeyn Kulul u Jeediyey Gurguurte.

Jan 20, 2025

War saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo madaxii hore ee kooxada ridada Soomaaliya ayuu kaga hadlay xaalada siyaasadeed iyo khilaafyada hareeyey kooxda ridada iyo maamulgobaleedyada ridada ee dalka ka jira.

Wuxuu eedeeyn xooggan u jeediyey Gurguurte oo uu sheegay inuu ku tuntay Dastuurkii u dagsanaa kooxda ridada, isagoona doonayo inuu qabsado doorasho uu isaga maamulanayo oo aysan qeyb ka ahayn maamulgobaleedyada Puntland, iyo Jubaland, iyo xubnaha Mucaaradka.

Farmaajo oo hadlayey ayaa yiri sidaan: “Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud”

Farmaajo ayaa uga digay Gurguurte inuu kusii socda tallaabooyinka uu hadda qaadayo taasoo uu sheegay inay ka dhalan karto qalalaaso siyaasadeed iyo xaalad amni daro oo uu dalka galo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad isku soo tarayey eedeymaha ka imaanaya mucaaradka ee ka dhanka ah Xasan Gurguurte oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo inuu qabto doorasho aanan lagu mideysneen taasoo ay sheegeen inay keeni karta xiisado siyaasadeed iyo mid amni oo dalka saameyn ku yeesha.

FAAFREEB PRO