Madaxda maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ah ee dalka ka dhisan iyo kooxda Riddada Somalia ayaa tartan ugu jira soo dhaweynta xabashida Itoobiya iyo inay u dhabeeyaan damaceeda gurracan ee qaadashada xeebaha Soomaaliya.
Murtad Cabdiraxmaan Cirro oo ah madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisu sii xoojinayo xiriirka kala dhaxeeya dowladda nasaarada ah ee xabashida Itoobiya, xilli maamulkii isaga ka horreeyay uu sannad ka hor u saxiixay inay Itoobiya qaadato qaybo ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Murtad Cirro ayaa sidoo kael ka shanqariyay in maamulkiisu soo dhaweynayo qorshaha xildhibaannada baarlamaanka saliibiyiinta Maraykanka ee ah inay soo jeediyaan in Maraykanka uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Hargaysa.
Hadalka murtad Cabdiraxmaan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli sannad laga joogo heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu xabashida Itoobiya u saxiixay madaxii isaga ka horreeyay murtad Muuse Biixi Cabdi in Itoobiya qaadato qaybo ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Hadalka Cirro ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli bishii December ee lasoo dhaafay uu Xassan Gurguurte Ankara kusoo saxiixay heshiis Itoobiya si rasmi ah ugu oggolaanaya qaadashada qaybo ka mida xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena bishan January safar isugu jiray raali gelinta xabashida iyo sidoo kale sii amba qaadida heshiiska Ankara ee Itooobiya lagu siiyay xeebaha Somalia ku tagay magaalada Addis-ababa, halkaas na uu kula kulmay Abiy Axmed iyo ciidamadiisa badda ee u qalab u uruusanaya sidii ay ula wareegi lahaayeen biyaha Soomaaliya.