Wasaaradda Dibedda ee Afgaanistaan ayaa warmurtiyeed ku sheegtay in dagaalyahan lagu magacaabo Khaan Maxamed oo ku xirnaa xabsiyada Mareykanka lagu soo celiyey waddankiisii hooyo.
Taa beddelkeeda waxa ay Wasaaradda Khaararjigu xustay in laba maxbuus oo Mareykan ah lagu beddeshay dagaalyahankan.
Dagaalyahankan reer Afgaanistaan waxa hore Maxkamad ku taalla Wilyaada California ugu xukuntay xabsi daa’in.
Dhanka kale Wasaaradda Dibedda ee Imaaraddu wax faahfaahin ah kama ay bixin labada maxbuus ee Mareykanka ah.
Saxaafadda madaxa bannaan ayaa werisay in mid kamida maxaabiista Mareykanka loo sii daayey uu ku sugnaa Afgaanistaan xilligii ay sii dhacaysay xukuumaddii hore ee Reergalbeedka gacansaarka la lahayd.
Waxa kale oo Xukuumadda Daalibaan ay xustay in isdhaafsiga maxaabiistu ay tusaale fiican u tahay in qadiyada qaar wada hadal lagu dhammayn karo.
Waxa kale oo Imaaraddu u mahadnaqday Xukuumadda Dooxa iyo dawrkii wanaagsanaa ee ay ka ciyaartey isdhaafsiga maxaabiista.
FAAFREEB PRO